Midowga Afrika oo wakiil cusub u soo magacaabaya Somalia kadib eryidii Madeira

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa haatan ku howlan sidii loo beddali lahaa Wakiilka Ururkaas u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira oo uu dhowaan dalka ka ceyriyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wargeysa The East African oo soo xiganayo ilo diblomaasiyadeed ayaa shaaciyey in maalmaha soo socda la beddalayo Madeira, kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhexeeya xukuumadda Soomaaliya ee hoggaamiyo Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya si weyn loogu cadaadinayo inuu xilka iska casilo, si aysan ugu ekaan in shaqada laga eryay.

Ujeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu doonayo, sidii hoos loogu dhigi lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay eryidda Danjirahooda u qaabilsanaa Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in ninkan lagu beddalayo Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Niger.

Francisco Madeira oo loo jaray warqad aan dalka looga baahneyn, ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inuu farageliyey arrimo aan shaqadiisa aheyn iyo inuu ku kacay hadallo gef ku ah Rooble, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda goboleedyada.

Arrintan ayaa kusoo aadeyo, iyada oo Khamiistii lasoo dhaafay Guddoomiyaha Midowga Afrika uu shaaca ka qaaday inuu kalsooni buuxda ku qabo Mr Madeira, isaga oo si weyn uga soo horjeestay go’aanka ra’iisul wasaaraha, dhinaca kale taageeray madaxweynaha.

Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha sida dhow ula socda arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ayaa hadalkaas ku sifeeyey mid lagu difaacayo sharafka Madeira, isla-markaana uusan jirin weji kale oo uu kusii joogo, ayna haboon tahay inuu is-casilo.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadaya, xilli la beddelay howlgalkii AMISOM ee Soomaaliya ka socday tan iyo 2007-dii, waxaana lagu beddelay magaca ATMIS.