Premier Bank oo ardayda Jaamacadaha Muqdisho ku tartansiinaya $21,000

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Premier ayaa maanta daahfuray tartanka hal-abuurka ganacsiga oo uu markii ugu horreysay maanta Muqdisho ugu qabanayo ardayda dhigata jaamacadaha dalka ee leh hibada iyo halabuurka ganacsi. 

Madaxa Ganacsiga Premier Bank Mudane Cabdishakuur Afrax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay tartanka soo codsadeen ilaa 31 hal-abuure oo uu bangigu u saaray guddi ku sameeyay qiimeyn hordhac ah. Ayna qiimeyntii guddiga ka soo gudbeen 12 hal-abuure oo ka kala yimid 10 jaamacadood, kuwaas oo maanta tartankaan loo daahfuray. 

Madaxa Xiriirka Dadweynaha ee Bangiga Mudane Axmed-Nuur Maxamed ayaa sheegay in tartankan laga baahin doono qaar ka mid ah warbaahinta dalka. Mudane Axmed-Nuur ayaa sidoo kale sheegay in tartamaha gala kaalintaa koowaad uu bangigu ku abaalmarin doono $9,000 oo uu hal-abuurkiisa ganacsi ku maalgashado. Guuleystaha gala kaalinta labaad uu ku guuleysan doono $7,000. Tarmaha ku guuleysta kaalinta seddaxaadna uu heli doono $5,000.

Waxaa xusid mudan in uu bangigu tartankaan oo kale si joogto ah uu sanadkii shanaad ugu qabanayo magaalada Hargeysa. Madaxa Xiriirka Dadweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay tartankaan Muqdisho ku qaban doonaan sanad kasta.

Wuxuuna ardayda jaamacadaha ee aan fursadda u helin in ay sanadkaan ka qeybgalaan ugu baaqay in ay u sii diyaargaroobaan ka qeybgalka tartankan sanadaha soo socdo. Wuxuuna ballanqaaday in uu bangigu fikirkiisa u maalgelin doono ardagii ku guuleysta.