Maxaa fashiliyey isbaheysigii uu Boqor Buurmadow ka abaabulayay Muqdisho?

Horraantii sanadkan markuu Boqor Cismaan Buurmadow yimid Muqdisho waxaa lagu soo dhoweeyay maamul sare. Wuxuu ku duulayay dabayl isbeddel-doon ah, taas oo oday dhaqameedyada Muqdisho ugu saameynta badan ay u guuxeen. Markuu si kaftan u sheegay in beshiisu hoggaamiso dowladda labaad ee Soomaaliya ka jirta (Al-shabaab), wuxuu Boqor Buurmadow la kulmay dhaleeceyn iyo ku eedeyn inuu u qaameysan yahay dadka ay Al-shabaab Koonfurta Soomaaliya ku gumaadday. Siyaasi ayaa ka dalbaday Boqor Buurmadow inuu bixiyo magta dadkii ku baxay gacanta Al-shabaab.

Khubdaddaas ‘kaftanka’ ahayd waxay sii kala fogeysay Buurmadow iyo siyaasiyiinta Muqdisho. Waxaa xigtay in beesha Dirta Waqooyi oo uu Buurmadow ka mid yahay ka cawdeen Ra’iisal Wasaare Rooble oo uu ku tilmaamay nin xaqa beesha duudsiinayay. Wuxuu ka codsaday beesha Rooble inay ceshadaan Ra’iisaal Wasaaraha. Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa dadkii soo jeediyay Senator Cabdi Xaashi Cabdi iyo Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Laga billaabo baaqi wadajirka ahaa uu Boqoor Buurmadow la soo saaray siyaasiyiinta beeshiisa qaarkood waxaa badatay dadaallada uu ku doonayay inuu ku mideeyo siyaasadda beeshiisa oo ka mid ah beelaha awood-qeybsiga 4.5 ku salaysan. Xiriir ayuu la sameeyay Madaxweynaha Koonfurl Galbeed, kalana hadlay isbahaynsi Digil & Mirifle iyo Dir marka doorashada Madaxweynaha ay dhacayso.

Boqor Buurmadow wuxuu Muqdisho kula loollamay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed si uu saameyn ugu yeesho codbixinta xildhibaannada Somaliland.

Dhowr caqabadood ayaa Boqor Buurmadow soo foodsaaray. Midi waxay ka soo jeedda loollankii uu Buurmadow la galay garabka Mahdi Guuleed. Buurmadow wuxuu ka socday Madaxweynaha Somaliland oo u xusul-duubaya yaraynta saameynta siyaasadeed ee Mahdi Guuleed, dhanna wuxuu Biixi kala socdaa Madaxweynaha Jabuuti oo xubnaha beesha Ciise faray inaysan u codeynin Madaxweyne Farmaajo haddii uu isu soo taago in dib loo doorto. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wuxuu Buurmadow ka codsaday inuu u sheego sida Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed, u arko isbahaysiga uu Buurmadow u arko mid la samayn karo. Waxay ahayd su’aal Buurmadow ku noqotay laf dhuun gashay. Waxaa u caddaatay Laftagareen in Buurmadow uusan xitaa taageerada Dirta Waqooyi badankeed haysan, iskaba dhaaf beesha Dir guud ahaan.

Laftagareen iyo Mahdi Guuleed xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeya. Haddiiba uu isbahaysi labada beelood u dhexeeya in laga wada hadlo ay gaarto, waa labada siyaasi oo ka wada hadli kari lahaa. Dhowaan wareysi kooban oo uu Buurmadow bixiyay kaddib dabkii Suuqa Waaheen burburiyay wuxuu sheegay in isaga uu leeyahay fikradda isku dayga samaynta isbahaysi si Hawiye iyo Daarood la iskaga dhiciyo siyaasad ahaan.

Labada beelood oo ay ka soo kala jeedaan Laftagareen iyo Buurmadow haddii ay siyaasad ahaan midoobaan waxaa dhici karta inay meesha ka saaraan labada beelood oo Soomaaliya xukunkeeda ku kaltamayay. Waxaa jira darbiyo siyaasadeed oo ay inay jebiyaan loo baahan yahay si isbahaysi siyaasadeed oo cusubi labada beel u dhexmaro. Darbiga ugu weyni waa Somaliland oo sheeganaysa inay dalka Soomaaliya ka go’day. Xaaladdaas siyaasadeed waxay yaraysay awoodda gorgoronka Dirta Waqooyi waayo Madaxweyne Soomaaliyeed ma tagi karo meelaha ay Somaliland ka taliso.

Boqor Buurmadow oo Baydhaba lagu soo dhoweynayo

Isbahaysiga uu Buurmadow mala-awaalay oo kale wuu jiraa hase ahaatee ma aha mid hore loo shaaciyay. 2016kii waxaa Nayroobi ku shiray ergo ka socotay Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiin reer Waqooyi ah. Shirkaas waxaa soo abaabulay Ismaaciil Hurre Buubaa, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya. Shirkaas waxaa ka soo baxay heshiis siyaasadeed ay Beesha Garxajis horseed ka ahayd. Farmaajo wuxuu ballanqaaday in reer Waqooyigu aad ugu muuqan doonaan dowladda hadduu Madaxweyne noqdo. Kaddib doorashadii 2017kii beesha Dirta Waqooyi waxay noqotay tiir ka mid ah tiirarka Nabad iyo Nolol.

Boqor Buurmadow goor dambe ayuu ogaaday heshiiskii 2016kii lagu dejiyay istaraatijiyadda dowladda federaalka ku socoto badankeed. Markuu la xiriirayay Laftagareen wuxuu Buurmadow doonayay inuu sameeyo isbahysi kaas la mid ah, laakiin, aqoonta yar oo uu u leeyahay siyaasadda koonfurta Soomaaliya ayaa majaxaabisay Boqor Buurmadow. Buurmadow wuu ka safray Muqdisho, mana cadda inuu dib ugu soo noqonayo.

Sida la saadalinaayo beesha uu ka tirsan yahay marka la eego dhanka awood qeybsiga waxay u codeyn doontaa badankeed Madaxweyne Farmaajo. Boqor Buurmadow wuxuu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni markuu Muqdisho booqanyay dhowr bilood ka hor. Codadka tirade yar oo uu Buurmadow saameynta ku leeyahay Meesha ay aadi doonaan ma cadda. Dagaal siyaasadeed ayuu Buurmadow ka bixi waayay intuu Muqdisho joogay. Way ku adkaatay inuu noqdo oday-dhaqameed iyo siyaasi. Boqor Buurmadow meeshuu u qoystay ayuu ku qallajistay.

Xigasho: Puntland Post