Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi uu ka furmayo shir u dhaxeeyo madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi ka socdo beesha caalamka oo ka dhacaya magaaladaasi.
Wafdiga oo uu hogaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay ee soomaaliya ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaadayanay madaxda Puntland eek u sugan magaalada Garowe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sida xogta aan ku heleyno waxaa kulamada ka qeyb galaya madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, kuwaasi oo dhaliilsan siyaasada madaxweyne Gaas.
Shirka maanta ka furmaya magaalada Garowe ayaa waxaa looga hadlayaa sidii shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland looga dhaadhicin lahaa qaadashada nidaamka 4.5 oo lagu soo xulayo baarlamaanka aqalka hoose ee imaanaya dhamaadka sanadkaan.
Madaxweyne C/Welli Maxamed Cali, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in wafdiga magaalada Garowe ay ku sugnaan doonaan muddo seddex maalin ah ayna la kulmayaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garowe.
Madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalka ka dhacaya magaalada Garowe laga soo saaro qodobo wanaagsan oo ay la dhacaan shacabka deegaanada Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

