Xog: Cumar Filish oo diiday in uu ku shaqeeyo hoolkii lagu qarxiyay duqii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa joojiyay in shirka guddoomiyaasha degmooyinka iyo shirarka kale ee gobalka lagu qabto hoolkii lagu qarxiyay guddoomiyihii hore ee gobalka Allah ha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Sida ay noo sheegeen qaar ka mid shaqalaaha gobolka, hoolkii uu ku dhintay duqii hore ayaa waxaa saaran quful muddo bilooyin ah waxaana shirarka gobalka lagu qabtaa barxadda banaanka ee gobalka, halkaas oo markii hore lagu qaban jiray xafladaha waa wayn ee gobalka ka dhaca.

Miisaska, iyo kuraasta shirka iyo teendhooyinka waxaa xir xira ciidanka ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha gobalka waxaana hoolka dib ugu celiya isla ciidankaas ,waxayna badanaa kulamada dhacaan xiliyada habeenkii ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uuliyiin ka qayb gashay kulamadaasi.

Si rasmi ah looma oga sababta uu guddoomiyaha uga baaqsaday hoolkii lagu qarxiyay guddoomiyihii hore waxaase la aaminsan yahay in ay tahay cabsi dhanka amaanka ah.

Cumar Filisha ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaqiijinayo inaysan dib usoo dhicin musiibo la mid ah tii 24-kii July, markaasi oo gabar agaasime ka ahayd gobolka ay isku dhex-qarxisay hoolkii shirarka.

14-kii November, Cumar Filish oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ayaa shaaca ka qaaday in laga hortagay qarax la mid ah kii lagu dilay Injineer Yariisow oo isaga lala damacsanaa.

Waxa uu sheegay in hay’adaha amniga ay qabteen agaasime ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax ka fulin lahaa xarunta gobolka, kaasi oo markii dambe qirtay qorshihiisa.

Cumar Filish ma auusan shaacin magaca agaasimaha, goorta la qabtay iyo halka uu ku dambeeyey midna.