Xog: Maareeye oo lagu amray inuu la shaqeeyo guddigii uu magacaabay Goodax

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda horumarinta caruurta u qaabilsan Qaramada ee UNICEF ayaa go’aan ka gaaray muran u dhaxeeyay wasiirada waxbarashada iyo warfaafinta Soomaaliya, kaas oo salka ku haayay guddi uu magacaabay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Sida aan xogta ku helnay, mas’uuliyiinta UNICEF ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u sheegay in arintaan ay hay’adooda ka shaqeysay islamarkaana ay uga dan leedahay horumarinta waxbarashada Soomaaliya islamarkaana hadii ay sideeda lagula shaqeynin ay keeni karto dib u dhac masharuuca ku yimaado.

Ilo-wareedo ku dhow Xasan Cali Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu  kulan la qaatay wasiirka warfaafinta kuna amray in uu isaga haro doodda waxbarashada islamarkaana uu la yimaado mashruuc kale maadaama kan ay soo dhameysatay wasaarad kale.

Kheyre ayaa wasiirkiisa warfaafinta ku amray inuu la shaqeeyo guddiga si hagar la’aan ah iyo in aan mar dambe warbaahinta loo adeegsan muranada wasaaradaha soo kala dhaxgala.

Guddigii uu magacaabay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ee Waxbarashada, Hidaha iyo Seyniska ayaa todobaadkaan kulan ku yeeshay xaraunta Akadeemiyada waxayna ku doorteen guddoomiye, ku xigeen iyo xubnaha kale ee guddiga waxayna toos u shaqa bilaabeen howshii loo idmaday.

Maareeye ayaa horey ugu  dooday in Wasaaradda Waxbarashadu “ay dhistay guddi hal dhinac ah oo aanay cidna kala tashan, iyadoo Masuuliyadihii Gudigaas u dhiibtay dad aan ka socon Hay’adihii Dawladda iyo kuwii Bulshada ee xirfad ahaan iyo Mas’uuliyad ahaanba doorka ku lahaa.”

Maareeye ayaa ku dooday in sida ku cad magaca iyo mandate-ka labada wasaaradood, “wasaaradda warfaafintu ay leedahay masuuliyadaha gudiga ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka (information and culture) maadaama ay maamusho warfaafinta dalka, golaha murtida iyo wacyigelinta., iyo hobolada iyo abwaaniinta dalka, halka wasaaradda waxbarashaduna leedahay mas’uuliyadaha waxbarashada iyo hidaha (education and heritage).

Qoraalka Maareeye soo saaray ayaa ka carreysiiyey madaxda dowladda oo aqbali waayey inuu saxaafadda ka dagaalami intii uu arrintan u xalin lahaa qaab hoose.