Ilmo 9 bilood jir ah oo dhacdo naxdin leh ugu naf waayey magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ilmo yar oo lagu sheegay inuu jiro sagaal bilood ayaa xalay ku dhintay dab xoogan oo qabsaday hoyga ay ka dagan yihiin magaalada Hargeysa ee xaafada Libaaxyada, sida uu sheegay Taliska ciidamada Dab-damiska Somaliland.

Ilmahan yar ee dabkaasi ku dhintay, ayaa waxa hoyga kula jiray labo kale oo ay ciidamada dab-damisku soo samatabixiyeen iyagoo dhaawaca, iyagoona geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Saddexdan caruur ah ee midkood ku naf waayey dabkaasi, ayaa waxa uu waalidkood guriga kaga xiray dusha, halka uu wiilka yar ee sagaalka bilood jirra uu isaguna lugta ka xidhnaa, sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay Taliska ciidamada dab-damiska Somaliland.

Hoos ka aqriso qoraalka ay dhacdadaasi ay ka soo saareen Ciidamada dab-damisku:

“Alle ha u naxariistee ilmo yar oo sagaal bilood jiray ayaa ku dhintay, halka laba kalena iyagoo dhaawaca ciidanka dab-demiska Hargeysa ka soo samatabixiyeen hoygooda oo dab ku qabsaday xaafada libaaxyada ee magaalada Hargeysa.

labadii kale oo kala ahaa wiil iyo gabadh ayaa ciidanka dab-demisku gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada hargeysa halkaas oo hadda lagu daawaynayo.

caruurtan yar yar ayaa waalidkood dusha kaga sii xidheen, iyadoo waliba ilmaha yar ee dhintay lugta uu ka sii xidhnaa”.