Soomaaliya oo barbaro la gashay Eritrea kana hartay tartanka K/Cagta CECAFA

Kampala (Caasimadda Online) – Xulka Soomaaliya ayaa isaga haray tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii ay barbaro gool la’aan ah la galeen Eritrea, wuxuuna ahaa kulankii labaad oo ay difaacdeen shabaqooda.

Kulanka dhawaan soo dhamaaday wuxuu ahaa mid ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah, walow ay xiddigaha Soomaalida khasaariyeen fursado ay ciyaarta ku go’aamin kareen.

Qaranka Soomaaliya ee haray wuxuu shabaqa difaacday saddex kulan, kaliya hal guuldaro ayey la kulmeen, waxeyna heleen 5-dhibcood taasoo ka dhigan iney kaalinta 3-aad ka galeen Group-ka A.

Omar Abdullahi ayaa dhaliyay goolka qura oo ay Soomaaliya ka dhalisay tartanka, sidoo kale saxaafadda Uganda waxey hadal hayaan in goolhaye Saciid Aweys uu ilaa iyo hadda yahay kan guu fiican tartanka dhanka goolka maadaama uu badbaadiyay fursado ka badan goolhaye walba oo kale.

Xulka Eritrea waxey fursad u heystaan iney soo gaaraan semi final-ka tartanka kadib dhibicdii ay heleen, waxeyna kaalinta labaad ku galeen 7-dhibcood, kaliya Djibouti oo la ciyaareysa Uganda ayaa la dhibco noqon karta.