Xog: Cumar Filish oo durba wajahaya khilaaf kala dhaxeeya R/W KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xarunta Dowladda Hoose ee G/Banaadir, ayaa durba wajahaya caqabado xoog leh oo uga imaanaya xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Maxamed Maxamuud Filish, uusan u dhaxeynin heshiis islamarkaana ay ku kala tageen kulamo ay ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya ka hor xil wareejinta Cumar Filish.

Khilaafka oo salka ku haaya Ciidamada maamulaya Aqalka Dowladda Hoose iyo go’aanka amniga Muqdisho, ayaa sababay in labada masuul ay isku fahmi waayaan.

Cumar Filish, duqa cusub ayaa dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir kadib markii Saadaq John iyo Cumar Filish isku maan dhaafeen Ciidamo uu Cumar Filish keensaday Aqalka Dowladda Hoose.

Duqa cusub ayaa sheegay in uusan la shaqayn karin Saadaq John amniga Muqdishana lagala xisaabtami doono Gobalka Banaadir, dhamaan dadkii kala shaqayn lahaa amniga iyo horumarka Gobalka uu la imaanayo Guddoomiyaha, waana arinta sababtay kala tagga labadaan hogaamiye.

Xildhibaano iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka la gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana hadda la sugayo Madaxweyne Farmaajo.

“Aniga iima muuqato wadashaqayn dhaxmari karta Filish iyo Kheyre hadii aan Farmaajo nidaam u sameynin” ayuu yiri Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka oo la hadlay Caasimada Online oo naga codsaday in aanan adeegsan magaciisa iyo codkiisa.

Khilaafka Filish iyo Kheyre waxay ka muuqatay munaasabadii Xil wareejinta oo la sheegay in loo diiday Golaha Wasiirada iyo in laga tabiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed kadib markii uu amray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Kheyre.

Xaflada oo aan laga tabin Telefishinka Qaranka ayaa maalin kadib Page-ka TV-ga la soo geliyay Khudbadii habeen hore waxaana la sheegayaa in ay aheyd cadaadis ka yimid dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya.

Si guud magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa khilaafka u dhaxeeya labada dhinaca waana hadal heynta ugu wayn ee maalmahaan ka taagan Gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com