Xog: Xidig oo loo sameeyay ballan-qaad uu AXMED Madoobe kula heshiin karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Iftin Xasan Baasto iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhex dhexaadin ka bilaabay khilaafka u dhaxeeya Xildhibaan Cabadirashiid Maxamed Xidig iyo Axmed Maxamed Islaam, oo labadooduba sheegtay Madaxweynaha Jubbaland.

Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Xubnahaan ay la kulmeen labada masuul islamarkaana lagu jiro gor gortan iyo doodo kulul.

Axmed Madoobe ayaa guddiga u balan qaaday in uu bixin doono lacag iyo balan qaad ku saabsan soo laabashada kursiga Xildhibaanimo ee Xidig ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee la dhisayo 2020..

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo 2 jeer kulan lala qaatay ayaa wali go’aan ka gaarin arrimaha loo soo bandhigay waxaase la sheegay in uu yiri “Axmed balan malahan iyo isku haleyn”.

Dadka aan la hadalnay oo qaarkood ay ka tirsan yihiin Guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in maalmaha soo socda ay dhammeeyaan Khilaafka Jubbaland ee 3-da Madaxweyne, islamarkaana ay kadib u istaagi doonaan sidii loo dhameyn lahaa kan dowladda iyo Jubbaland.

Axmed Maxamed Islaam, oo todobaadkii hore sheegtay inuu mar kale ku guuleestay hogaanka Jubbaland ayaa u muuqda mid ka sii dhaxbaxaya culeesyadii uu wajahayay, isagoo inta badan la heshiiyay xubnihii mucaaradka ku ahaa markii laga reebo kuwii ugu tunka weynaa ee Seeraar, iyo Xidig oo uu hadda wadahadal kula jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com