Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa sheegaya inuu hanjabaad kala kulmay Gen. Gabre oo dowlada Ethiopia ugu magacaaban dhexgalka Soomaalida.
Gen. Gabre ayaa la sheegayaa in Ugaaska uu ku cadaadiyay inuu qaato talooyinka DFS iyo IGAD, isagoo ku hanjabay inuu xiri doono isla markaana ka dhex saari doona bulshada uu Ugaaska u yahay ee Gobolka Hiiraan.
Gabre waxa uu sidoo kale Ugaaska ugu hanjabay in Gobolka Hiiraan ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM, gaar ahaan qeybta Ethiopia isla markaana uu iyaga ka adeejin doono waa haddii uu qaadan waayo go’aanka ay Ethiopia ku dooneyso inay ku dhisto maamulka Hirshabelle.
Gabre waxa uu Hanjabaadasi marmarsiyo uga dhigay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu yahay shaqsi hortaagan aayaha Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, hayeeshee waxa ay dadku yihiin kuwo aaminsan in Gebra uu Ugaaska ka aaminsan yahay caqabad hortaagan Maslaxada Dowlada Ethiopia ee Somalia.
Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa dhankiisa ugu jawaabay Gabre inuu ka mamnuuci doono imaanshihiisa joogtada ah ee Gobolka Hiiraan, isagoo awood ka dhiganaaya in Hiiraan aysan aheyn dhul ay Ethiopia ka taliso.
Ugaas Xasan ayaa Gabre u arka shaqsi loo soo wakiisha sii kala fogeynta Soomaalida, iyadoo taasi ay cadeyn u tahay kamid noqoshadiisa xubnaha IGAD ka jooga Somalia, halka markii hore uu ahaa keliya wardoonka Ethiopia ee Somalia.
Hanjabaadani ayaa u muuqaneysa mid Ugaas Xasan uu Ethiopia uga hor istaagay dano farabadan oo ay ka fushan laheyd Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]