Xog cusub: Maxaa ka jira in Hooyga C/raxmaan C/shakuur laga soo saaray boorsooyin lacaga (Cadadka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar kala duwan ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa weerarkii lagu qaaday Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan dowlada FS.

Weerarka ayaa ahaa mid uu amarkiisu lahaa Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia, waxa uuna ujeedka Weerarka lagu sheegay in lagu fashilinaayay qorsho ay isla wadeen C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka Somalia.

Mid kamida Saraakiisha ka howlgasha Wasaarada Amniga oo sababo amni uga gaabsaday adeegsiga magaciisa ayaa caasimada Online u xaqiijiyay in howlgalka uusan aheyn mid beegsi ah, balse la doonaayay in lagu soo qabto shaqsiyaad taargeed ahaa oo uu kamid ahaa Siyaasiga Xiran.

Waxa uu Sarkaalkan sheegay in bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa dhaqaale ku jiray Hooyga C/raxmaan C/shakuur oo loo adeegsan lahaa Mooshino, iyadoo halkaa lagu dajiyay qorsho ah in dib loo furo Kalfadhiga BFS si lacagtaasi loogu fuliyo Mooshinka.

Sarkaalkan waxa uu intaa ku daray in Hooyga C/raxmaan C/shakuur lagu qabtay lacago sharci daro ah oo loo adeegsan lahaa Mooshinka, isla markaana lasiin lahaa Xildhibaanada ku dhow dhowaa Siyaasiga, sida aan xogta ku helnay.

Waxa uu xaqiiijiyay in magaalada Muqdisho ay ku jiraan warar aan sax aheyn oo muujinaaya in howlgalka lagu soo qabtay lacago malaayiin dollar, balse lacagta lagu qabtay Hooyga ay aheyd 18 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in lacagtaas laga soo qaaday dowlada Imaaraadka Carabta, isla markaana gacan ay ku laheyd dowlada Sacuudiga.

Dhinaca kale, Wasaarada amniga ayaa ku goodisay in wadada uu maray C/raxmaan C/shakuur ay mari doonaan shaqsiyaad kale oo qeyb ka ah falka lagu xiray Siyaasiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com