Xildhibaano ku kulmay Muqdisho oo qodobo kasoo saaray weerarka CC & Go’aanka lagu mamnuucay Shirarka (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay dowlada Federaalka ah ee Somalia weerar ku qaaday Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, ayaa waxaa arrinkaasi maanta ka hadlay Xildhibaano ka tirsan BFS.

Kulan ay Xildhibaanada qaar ku yeesheen mid kamid ah Guryaha ay ka dagan yihiin magaalada Muqdisho oo aan la shaacin ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo kamid ahaa Xildhibaanada kulmay isla markaana u hadlaayay Xildhibaanadaasi ayaa sheegay in kulanka laga soo saaray go’aamo lid ku ah dowlada.

Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo ku hormaray arrinta ku aadan xariga C/raxmaan C/shakuur ayaa yiri  “Xildhibaanada markii ay isla fiiriyeen, isla qiimyeeyeen, sidii ay wax u dhaceen, dariiqada loo maray warqadii shalay iyo weerarkii xalay, waxaa u soo baxday:

“Si aan leex-leexad laheyn waxaa u cambaareynayaan weerarkii xalay loo geystay guriga siyaasiga Cabdiraxmaan , weerarkaas oo 6 qof oo gabar iyo 5 wiil ku dhinteen, oo aan waxba galabsan, 3 qof oo Cabdiraxmaan ku jira lagu dhaawacay, isla markaana cabdiraxmaan oo dhaawac ah xabsiga loo taxaabay”

Waxa uu intaa raaciyay  “Weerarka gurigiisa lagu qaaday, oo ay NISA qaaday sida naloo sheegay, booliiska xagiisa aan ka imaanin, waxaa ay u arkeen Xildhibaannadu in ay tahay sharci-darro, in ay tahay khalad siyaasadeed, in xuriyadda ra’yiga, in uu cabiro ra’iyigiisa iyo sida uu aaminsan yahay, aragti ka soo horjeeda oo qaldan ayey u muuqatay, Xildhibaannada waxaa ay codsanayaan in Cabdiraxmaan xuriyadiisa dib loogu soo celiyo, sida ugu dhaqsiyaha badan’’.

Xildhibaanka waxa uu intaa kadib sheegay in qodobada laga soo saaray shirka uu ka mid ahaa qodob ku saabsan arrinta xasaanadda iyo barista Xildhibaannada: Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Xildhibaan Cabdisabir Nuur Shuuriye.

“Labadii Xildhibaan ay shalay laga soo saaray decoments-ka, oo iyada oo aan la maxkamdeynin, oo xasaanaddii laga qaadin, uu ku dhawaaqay xeer-ilaaliyaha qaranka in ay dambiilayaal yihiin, iyagana in aan u arko  in ay sharci darro tahay qaabka uu u wajahay xeer ilaaliyaha, labada xildhibaan ee la soo saaray waa Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Xildhibaan Cabdisabir Nuur Shuuriye.’’

Iyagoo taa ka duulaaya ayey guddoonka ka codsadeen in golaha shacabka dib loo furo“Xildhibaannada waxaa ay isla garteen in baarlamaanka guddoonkiisa laga codsado  in dib loo furo shirkii golaha shacabka, ajendayaashan iyo waxan soo kordhana dib looga hadlo.”

Dhinaca kale, arrinta ugu dambeyso ee laga hadlay waa shirarka la diiday“Shirkii Jaraa’id ee manta waxaa lagu sheegay in Hotelada aan shir lagu qaban Karin, taa oo ay u arkeen Xildhibaannadu xuquuqda muwaadinka oo xad-gudub lagu sameynayo. In dadka sharafkooda iyo dhaqaalahooda ay dhaawac ku tahay, waxaa ay codsanayaan in tilaabadaasi aan waafaqsaneen sharciga laga laabto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com