Xog cusub: Mungaab oo ay dacwad ka gudbisay gabar uu arrin xun ku sammeeyey (Maxkamad)..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Saraakiil ka howlgasha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa kusoo waramaaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab dacwad laga geeyay maxkamad Gobolka.

Dacwada ayaa la sheegayaa inay la xiriirto ballan kabax iyo Tacadiyo uu Mungaab ku sameeyay Gabar muddo bil ah uu si qarsoodi ah u qabay, kadib markii ay ku heshiiyen in goortii ay dhamaato mudadaasi uu siin-doono lacag dhan 20,000$, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha dacwadaasi gacanta ku heysa.

Gabadhaani dacwada ka furtay Maxkamada ayaa ka cabaneysa in Mungaab mudadaasi uu qabay kadib ilaaladiisa ku amray inaan iridka laga sii deynkarin, taasina waxa ay sara qaaday dareenka reerka ay kasoo jeedo gabadha.

Mungaab oo dacwada loogu yeeray ayaan wali ajiibin dacwada kaga timid Maxkamada, waxaana la sheegayaa in Maxkamada uu ka dalbaday in Dacwadaasi la xiro oo aan lasii buun-buunin.

Qoyska gabadha dhalay ayaa sidoo kale la tilmaamayaa inay Dacwad taasi lamid ah u direen Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia si Madaxweyne Xassan uu arrintaasi wax uga qabto bacdamaa uu isaga xilkaasi u dhiibtay, hayeeshee cid ilaa iyo iminka ka jawaabtay ma jirto dacwada.

Arrintaani ayaa iminka si aad ah looga hadal hayaa inta badan Magaalada Muqdisho, waxa ayna dadku is weydiinayaan waxa dacwadaani kusoo beegay dacwad iyada lamid ah oo uu horay Mungaab u geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com