GALMUDUG iyo K/Galbeed oo loo qoondeeyay in 12% laga siiyo dhaqaalaha gobolka BANAADIR

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu u sameeyay miisaaniyad lagu kabaayo Dowlad Goboleedka GalMudug iyo Koofur Galbeed. Waxaa bil walba la siin doonaa maamulka GalMudug %7, Maamulka Koofur Galbeedna waxaa lasiin doonaa 5% Dhaqaalaha soo gala Gobolka Banaadir.

Miisaaniyadan ayaa waxaa looga qoondeeyay in laga siiyo maamulka Gal Mudug iy Koofur Galbeed qasnada Gobolka Banaadir. Arrinkan oo ah mid ku cusub siyaasada ayaa waxaa ansixiyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo markaa ugu daneeynaya saaxiibadii Cabdikariin Xuseen Guuleed & Sharif Xasan.

Lama oga sida ay uga jawaabi doonaan dadka reer Muqdisho, oo markii horeba culeys ku ahayd in lacagaha ka soo xerooda Gobolka Banaadir lagu maamulo qeybaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah.

Waxaa su’aalo badan ay ka iman doonaan waxa masuulka ka saaray bixinta qarashaadka Maamulka Gobolka banaadir, oo aan wax mug ah ama la tashiba ku lahayn arrimaha Federaalka ah.

Dadka indha-indheeya siyaasadda ayaa sheegaya in arrintan ay keeni doonto xasilooni darro siyaasadeed iyo in Muqdisho ay ka dhacaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo in dhaqaalaha Gobolka Banaadir lagu kabo maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com