Fashil ku yimid guddiga dib u eegista dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaal ka tirsan BF Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay inuu fashil ku yimid howlihii loo igmaday Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanak Federaalka ah ee Somalia.

Mudanayaasha ayaa sheegay inay istaagtay shaqooyinkii ay wadeen sababo la xiriira dhaqaale la’aan baahsan oo gudiga lasoo daristay.

Xildhibaan Ibrahim Saalax Deyfullah oo ah Xog-haya Guddiga, ayaa sheegay in howsha Guddiga ay kusoo biyo shubatay kaliya meel fadhi islamarkaana aysan jirin shaqooyinkii laga sugaayay Guddiga.

Waxa uu sheegay in ay shaqadooda ka gaabiyeen maaddaama aysan helin lacagihii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Sidoo kale, Deyfullah waxaa uu sheegay in arrintaasi ay sababta kale ee dib u dhigtay ay tahay Magacaabista Guddiga Madaxa banana ee dib u eegista Dastuurka oo lala soo daahay.

Dhanka kale, Xildhibaanku waxa uu sheegay in Shaqooyinka ugu horreeyay BF ay ahayd dib u eegista Dastuurka hadda oo uu Baarlamaanka ku jiro Sanadkiisii 4-aad uguna dambeeya ayuu sheegay in ay isku dayayaan in ay dhameystiraan Shaqadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com