Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo ninkii ka dambeeyay dilka gabdhaha Soomaaliyeed ee hadal-heynta ka dhaliyay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kaas oo ay gacanta kusoo dhigeen booliska dalkaasi.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Haashim Dhaqane Muxumed ayaa markii ugu horraysay shaaciyay xog ku aadan kiiska loo haysto, wuxuuna qirtay inuu ka dambeeyey dilka afar haween ah oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo argagax weyn ku abuuray shacabka.
Ninkan ayaa sheegay in wax dhibaato ah ama khilaaf ah uusan kala dhexeyn gabdhaha uu dilay, balse waxa uu tilmaamay in loo soo adeegsaday dilka marxuumiinta, isla-markaana lacag lagu siiyay.
Gabadhaha uu dilay ayaa saddex kamid ah waxa ay ahaayeen hooyo iyo laba gabdhood oo mid kamid ah iyadu dhashaym tan kalena ay u ahayd habar yar, waxaana lagu kala magacaabi jiray Waris Daa’uud, Nusayba Cabdi iyo Aamina Cabdi.
Sidoo kale waxaa jirtay gabar kale oo 4-aad oo iyadana uu si arxan darro ah ugu dhex dilay qolkiisa, kadibna uu jar jaray maydkeeda, taas oo lagu magacaabi jiray Deeqa Cabdinuur, wuxuuna sababta ku sheegay in marxuumadda ay la ogeyd kiiska gabdhaha uu dilay.
Weli waxaa sii socota baarista, maadaama kiiska uu yahay mid xasaasi ah, waxaana ku guda jira laamaha dambi baarista ee dalka Kenya.
Kiiskan ayaa fajaciso ku noqday dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi iyo guud ahaan dalka Kenya, maadaama uu ku yeeshay saameyn xoogan, waxaana laga war sugayaa go’aanka dowladda ee la xiriira soo gabagabeynta kiiskan argagaxa weyn leh.