Xog cusub oo laga helay dagaalladii saaka ka dhacay Bariire iyo Awdheegle iyo dowlada oo war soo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka oo faahfaafin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah ee ciidamada dowladdu ay Al-Shabaab ka dileen, sidoo kale wasaradda gaashaandhigga aya war ka soo saartay dagaaladii maanta.

Ugu horeyn Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame.

Sidoo kale Taliye Biixi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah intii uu dagaalku socday.

Wax yar ka hor salaadii subax ee saakay Al-Shabaab ayaa weerar ku bilaawday qarax is-miidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire, waxayna soo bandhigeen sawirro muujinaya inay saldhigga gudaha u galeen, inkastoo saraakiisha dowalddu ay beeniyeen sheegashada kooxda.

Al-Shabaab dhankooda waxay sheegeen in saldhigga Bariire ay ku dileen 47 askari, sidoo kalena ay ka kaxeysteen lix gaari oo tikniko ah, balse taliska militeriga Soomaaliya ayaa beeniyey sheegashada Al-Shabaab, iyagoo soo bandhigay muuqaallada meydad aad u badan oo laga soo duubay dagaalamayaashii Al-Shabaab looga dilay dagaalka Bariire.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa isla goortaas weeraray saldhig kale oo ciidamada dowladu ay ku leeyihiin degmada Awdheegle, si aysan isugu gurman labada ciidan, balse waxaa la sheegay in ciidanka Awdheegle ay u diyaarsanaayeen weerarka, maadaama uu ka dambeeyey kan Bariire.

Intii ay socdeen dagaallada Bariire iyo Awdheegle dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay hoobiyeyaal ku garaacayeen deegaanada Janaale, Sabiib iyo Caanoole, si ay u arbushaan gurmadka ciidamada dowladda.

Dhanka kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo war ka soo saaray dagaalkaas ayaa ciidanka xoogga dalka ku boogaadiyay guulaha ay ka soo hooyeen weeraradii uga yimid Al-Shabaab ee ka dhacay Awdheegle iyo Bariire.

“Waxaan boogaadinayaa naftood hurayaasha geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan Difaaca dadkood ,Dalkooda ,Diintooda oo maanta dharbaaxo weyn ku dhuftay argagixisadda ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen.