Madasha Badbaado Qaran oo Farmaajo ku eedeeyey weerarkii lagu qaaday ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa dhaliil badan loogu jeediyey madaxweyne Farmaajo, waxayna ku eedeeyeen inuu dayacay ciidankii Qaran, iyagoo bogaadiyey sida ay isku difaaceen ciidankii lagu weerar Bariire iyo Awdheegle, sidoo kale u tacsiyeeyey ehellada askartii dhimatay.

Qoraalka ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed waxey bogaadinaysaa sida geesinimada leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iskaga caabiyey weerarkii ay argagexisada Al shabaab kusoo qaadeen fariisamahooda deegaannada Aw-Dheegle iyo Bariirre ee Gobolka Shabeelada Hoose. Madashu waxey tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay ka baxeen geesiyaashii ka tirsanaa CXD ee ku shahiiday weerarkaas, waxeyna caafimaad deg-deg ah u rajeyneysaa saraakiisha iyo ciidanka kale ee weerarkaas ku dhaawacmay.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Muuqaallada iyo warbixinnada laga soo tebinayo fariisimaha ay argagexisadu kusoo weerareen Ciidanka, waxey muujinayaan sida uu madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday u dayacay ciidanka ku sugan aagga hore ee dagaalka cadawga. Waxaa kaloo cadaatay in uu ciidankii intiisii badnayd ee saldhigyadaas ku sugnaa u soo daad-gureeyey magaalada Muqdisho, si uu ugu cabburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Halka in badan oo ka mid ah ciidankii, hubkii iyo agabkii kale ee loogu talagalay la dagaallanka argagexisada loo wareejiyay gobolka Gedo, si uu deegaannadaas uga huriyo colaad sokeeye, taasoo uu dhiig badan uu ku daatay.”

“Madashu waxey kaloo madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku eedeyneysaa, in hey’addii Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee waajibkeeda koowaad ahaa xog ka keenista dhaq-dhaqaaqyada cadowga Al Shabaab, ay dayacday howlihii Qaranka ee loo igmaday. Taas badalkeedana ay shaqo ka dhigatay dabagalka dhaq-dhaqaaqa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo arrimaha doorashooyinka Dalka. Dayaca shaqo ee NISA wuxuu sababay in argagexisada ay helaan fursado ay ku weeraraan ciidanka ku sugan furimaha dagaalka ama ay qaraxyo naf halligis ah ku xasuuqaan shacabka magaalada Muqdisho.”

Sida lagu yiri qoraalkaan Madashu waxay adkaynaysaa in ciidanka laga dhex saaro loollanka siyaasadda, si ay u gutaan waajibkooda qaran, una helaan taageerada shacabka iyo siyaasiyiinta oo idil.

“Madasha waxay dalbaneysaa in gurmad xoojin ciidan, hub iyo saadba leh degdeg loo gaarsiiyo ciidamada ku sugan saldhigyada maanta la weeraray iyo fariisimaha kale ee u dayacmi kara cadowga, si ay awood ugu yeeshaan in ay naftooda iyo shacabka ka difaacaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagexisada Al Shabaab,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Madasha Badbaado Qaran.