Dowladda oo shaacineysa khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage oo wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanada Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in weeraradii ay soo qaadeen Al-Shabaab ay ka hortegeen ciidamada dowladda, lagana dilay in ka badan 100 dagaalame, sida uu hadalka u dhigay

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa sidoo kale xusay in khasaarihii ugu xooganaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaalladaasi, isla-markaana ay maanta soo bandhigi doonaan.

“Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si xirfad leh uga jawaabay weerarka Al-Shabaab, waxa aan dhihi karaa dagaal uu cadawga ku qaado xero ciidanka Dowladda ay leeyihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa ee cadawgu kasoo gaaray ayuu kamid ahaa weerarka ka dhacay Shabeelaha Hoose” Sidaasi waxaa yiri Gen. Odowaa Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey  “Ciidamada Xoogga saacadaha soo socda waxa ay soo bandhigayaan khasaaraha gaaray Cadawga, Awdheegle oo keliya waxa aan ku dilnay in ka badan 100-Maleeshiyo,”.

Ugu dambeyn Odowaa ayaa carabka ku dhuftay in dhimaasho iyo dhaawac ay dhankooda soo gaareen ciidamada dowladda, balse uu aad u hooseeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ciidanka gaaray dhimasho & Dhaawac balse aad ayay uga hooseysaa waxa meesha ka dhacay” ayuu sii raaciyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,” ayuu markale yiri taliyuhu.

Weeraradii shalay ka dhacay Bariire iyo Awdheegle oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoog leh, kadib dagaallo dhex-maray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.