Dagaal culus oo markale Puntland iyo Daacish ku dhex-maray gobolka Bari

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in markale dagaal culus uu ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, kaas oo saacado badan qaatay, una dhexeeyey ciidamada amniga maamulka Puntland iyo kooxda Daacish.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland, kuwaas oo howl-gallo ka wada dhanka buuraha Calmdow ee gobolka Bari.

Ilo deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hubka ay labada dhinac is weydaarsaneyeen, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, welina jiro wax hadal ah kama soo bixin labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Puntland oo ka baxay magaalada Boosaaso ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaanada dhaca dhulka buuraleyda ah  Bari.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada Puntland iyo xoogaga Daacish ay ku dagaalameen duleedka Isku Shuban, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxdaasi.