Lix weerar oo u dhacay sidii ay rabtay VILLA SOMALIA, afartii sano ee FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Afartii sano ee muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dalka ka dhacay lix weerar oo afar kamid ah uu dhiig ku daatay, halka laba kale oo aan dhiig ku daadan lagu daro liiska weerarada dhacay muddadii xil-haynta ee Madaxweyne Farmaajo. 

Weerarkii ugu horreeyay ayaa dhacay daba-yaaqada sanadkii 2017-kii waxaana lagu qaaday guriga hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ugu yaraan 5 qof oo ilaalo ahaa ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay dad uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Muddo todobaadyo ayuu dalka galay xaalad aad u cakiran oo dhanka amaanka iyo siyaasada gelisay xasilooni darro, Madaxweyne Farmaajo ayaa markaas dalka ka ahaa madaxweyne muddo 10 bil ah. Dowladda Soomaaliya ayaa magdhow siisay ehelada dadkii weerarkaas ku dhintay 2017. 

Weerarkii 2-aad ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, sanad kadib weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ciidamada Itoobiya ayaa bishii December 2018 qabtay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, waxaana kadib ka dhashay banaanbaxyo sababay in la toogto 15 qof, oo uu ku jiro xildhibaan ka tirsan baarlamaan gobaleedka Koonfur Galbeed. 

Sababta keentay isku dhaca ciidanka iyo dadweynaha ayaa aheyd joojinta banaanbax ka dhan dowladda laguna dalbanayay in lagu sii daayo Abuu Mansuur, taas oo ugu dambeyn lagu guuleysan. Abuu Mansuur ilaa hadda waa maxbuus bilaa maxkamad u xiran dowladda. 

Weerarkii 3-aad ee dalka ka dhaca inta uu xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu qaaday hogaanka maamulkii Ahlu-Sunna ee gobalada Dhexe maalmo kadib markii Madaxweyne loo doortay Axmed Cabdi Qoor Qoor.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay dhowr qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale. Hogaankii Ahlu-Sunna ayaa ka baxay Dhuusamareeb markii dagaalka looga guuleystay, waxayna aheyd 12 sano kadib markii ugu horeysay oo ay dusha xejiyaan magaalooyinkii ay ka xureeyeen Al-Shabaab. 

Weerarkii 4-aad ee ugu dambeeyay ayaa dhacay 19-kii Febraayo 2021 waxaana lagu qaaday hoteel ay daganaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo sidoo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee BS Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa sidoo kale maalinkii la weeraray shacab dhigayey dibad-bax nabdoon.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa weerarada dalka ka dhacay mudadaas islamarkaana loo geystay siyaasiinta ama dadka shacabkka ah waxay ku daraan weerarkii lagu qaaday guriga Sen. Cabdi Qeybdiid, kaas oo dhacay maalmo kadib weerarkii hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Weerarkaas ilaa hadda si faah-faahsan looma sheegin sidii uu ka dhacay, hase yeeshee waxaa loo xaliyay si hoose. 

Culeysyadii siyaasadeed iyo kuwa amni ee la saaray guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah dhacdooyinka waa weyn ee dalka ka dhacay afartaas sano laguna tilmaamo weerarada tooska ah iyo kii ugu dambeeyay ee wadooyinka looga xirtay 15-ka Xildhibaan ee ka tirsan Golaha Shacabka. 

Dhammaan weeraradan waxay muujinayeen in madaxweyne Farmaajo uusan ka laba labeyn doonin inuu awood u adeegsado cid kasta oo aan ku ra’yi aheyn, waana weli wax socda, oo weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday musharaxiinta wuxuu dhacay un wax ka badan bil un.