Xog: Wasiiro & xildhibaano ka tirsan DF Somalia oo diiday in laga saaro hotel Jazeera, MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Hoteel Jazeera ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in dadkii degnaa ay kamid ahaayen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Dowlada.

Wasiirada iyo Xildhibaanada oo badi ka badbaaday weerarka ayaa waxa ay ka hor imaaden in laga raro Hoteelka, iyaga oo ku andacooday inaysan jirin meel kaga wanaagsan oo ay degaan.

Wasiirada ayaa sheegay in naf waliba ay wakhtigeeda lee dahay islamarkaana burburka uu yahay kaliya mid ku eg dhismaha Hoteelka, sidaa awgeedna ay go’aansadeen inay kusii nagaadan Hoteelka.

Mid kamid ah shaqaalaha Hoteelka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Wasiirada ay dal badeen in la adkeeyo amaanka kaliya maadaama uu burbursan yahay darbiga Hoteelka balse ay sii degnaan doonaan.

Waxa uu ruuxaasi sheegay in Hoteelka ay degan yihiin Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee Dowlada iyo Madaxtooyada kuwaasi oo kor u dhaafayo 21.

Hay’adda Nabadsugida iyo Wasaarada amniga ayaa Hoteelka geeyay Ciidamo hor leh oo iyagu suga amaanka Mas’uuliyiinta weli degan Hoteelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com