Dhageyso: Qaabkii loo fuliyey qaraxii ka dhacay Hotel-ka Jazeera oo XOG muhiim ah laga bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Jaamac Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Jazeera Hotel, kolkii uu weerarku ka dhacaayay, ayaa waxa uu ka sheekeeyay qaabka uu weerarkaasi u dhacay.

Gaari iska rogge ahaa oo lagu fuliyay weerarka, ayaa xoog ku galay albaabka hore ee Hotelka, waxaana u suurta gashay in uu isku qarxiyo ilinka hore ee Hotelka.

Jaamac wuxuu sheegay isaga iyo saddex nin oo kale oo markaasi Salaaddii Casir ku soo tukaday Mowlaca Hotelka Jazeera, ay daryanka qaraxa kula kulmeen, xilli ay ku soo dhaweeyen qaybta macaamiisha lagu soo dhaweeyo ee Hotelka.

Mar uu ka hadlaayay nooca uu qaraxu ahaa, ayuu tilmaamay intii Magaalada Muqdisho uu qarax u joogay, inaanu arag amaba maqal mid lamid ah kii galabta lagu soo weeraray Jazeera Hotel.

Sidoo kale waxa uu sheegay dadkii gudaha ugu sugnaa Hotelka in intoodu badan ay ka badbaadeen qaraxaasi, balse dadka dhibaatada buuran soo gaartay ay yihiin, kuwii dibadda ku sugnaa.

Waxa kaloo uu intaa ku daray in qaraxaasi uu burbur weyn soo gaarsiiyay Dhismaha Hotel Jazeera. Muuqaalo laga soo qaaday Hotelkaasi, ayaa waxaa ka muuqanaayay burbur baaxad leh oo Hotelka soo gaaray.

Laba goor oo hore, ayaa weeraro ismiidaamin ahaa lagu qaaday Hotelkaasi, laakiin weerarkan waxaa leesla qiray in wax badan uu ka duwanaa kuwii hore. Waxayna dadka reer Muqdisho ku soo xusuusteen weerarkii lagu qaaday Hargaha & Saamaha Ee Magaalada Muqdisho, kaa oo dhacay afar sano ka hor.