Xog horudhac oo laga helay qofkii fuliyey qaraxa Hotel-ka Jazeera ee Muqdisho + Sawirro cusub !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 16 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badana dhaawac ayaa kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Hoteel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay ruux da’diisa lagu qiyaasay 26 waxa uuna Hoteelka kasoo galay dhanka Garoonka Aadan Cadde, isaga oo uu ujeedkiisu ahaa kaliya fulinta Qaraxaasi. Magaciisa weli lama shaacin, balse hay’adda nabad-sugidda ayaa weli baaritaan wadda.

Xiliga uu Qaraxa dhacaayay ayaa waxaa Hoteelka ku sugnaa inkabadan 25 diblumaasiyiin oo isugu jira ajaanib iyo kuwo ka tirsanaa DF Somalia, waxa uuna Hoteel Jazeera saldhig u ahaa Dowlada Somalia.

Mid kamid ah dhalinyarada ka hawlgala gawaarida Ambulance-ta ee ka shaqaysa Magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyay inay qaadeen meydadka kor u dhaafaya 16 ruux, halka 21 kalana ay dhaawacyadoodu geeyen Isbitaalka Madiina.

Waxa uu sheegay in dadka khasaaraha kasoo gaaray weerarka Ismiidaaminta ahaa ay ku jireen xubno ka tirsanaa DF Somalia iyo Weriyayaal ka howlgali jiray warbaahinta maxaliga.
SIDA UU ISKU BADALAY HOTELKA QARAXA KADIB