Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uu bilaabay in wadahadal uu la furo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in wadahadalka ay qeyb ka yihiin Siyaasiyiin iyo Odayaal ku heeb ah labada mas’uul.
Wadahadalka Xassan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa salka ku haya dalab tanaasul ah waxa uuna Xassan ku dadaalayaa in Sheekh Shariif uu ku qanciyo tanaasul isagoo kaashanaaya Siyaasiyiinya iyo Odayaasha.
Xasan Sheekh waxa uu Sheekh Shariif ku dhiirigalinayaa tixgalinta dalabkiisa waxaana jira ballanqaadyo uu Xassan hordhigay Madaxweynihii hore.
Sheekh Shariif ayaa isna ka biya diidan in Musharaxnimadiisa uu uga tanaasulo Madaxweynaha hadda xilka haya.
Waxaa adag in Sheekh Shariif uu tanaasul u muujiyo Xassan Sheekh oo ay kala dhexeyso xurguf Siyaasadeed, waxaana cuslaaneysa in wadahadalka labada Musharax uu sii socdo.
Lama saadaalinkaro guusha Xassan Sheekh uu ka gaari doono wadahadalka uu la furay Sheekh Shariif.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

