Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Ugu horeyn madaxweynaha ayaa ugu baaqay labada maamul iney ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa xabada dhaceysa ee daadineysa dhiiga ummada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheikh maxamuud, ayaa wuxuu ka hadlay eedeyntii kasoo baxday Puntland ee aheyd in dowlada Soomaaliya door ku leedahay dagaalada ka dhacaya gobolka Mudug.
“Meel ay dowladda colaad ku hurisay ma irto, wax door ahna kuma lahan, cid ay qalbi kala jirto dowladda Soomaaliya ma jirto, dhowr jeer ayaa ka codsanay in dagaalka la joojiyo, waxaa ka shaqeynay heshiiskii December oo Beesha Caalamka goob joog ka aheyd”ayuu yiri Madaxweynaha.
C/Welli Gaas oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay hurineyso dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.
Dagaalkaasi ayaa wuxuu ka bilowday dhismaha maxjar Puntland dooneyso iney ka dhisto galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, walow xiisada labada maamul sanado ay soo jirtay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

