Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya furumaha dagaalka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Magaalada laga Maqlaayo Raasaas goos goos ah oo ku dhaceysa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Rasaasta ayaa la sheegayaa inay tahay mid aan si joogta ah u dhaceynin, balse waxaa dhowr daqiiqad kadib la maqlayaa rasaas noocyo kala duwan leh.
Rasaasta xoogeeda ayaa waxaa laga soo ridayaa dhanka Galmudug waxaana rasaas Jawaab celin ah laga soo tuurayaa difaacyada Puntland.
Rasaasta goos gooska ah ayaa saaka bilaabatay , waxaana labada dhinac ay ku sugan yihiin meel magaalada ujirta 8 Km.
Waxaa qeybo kamid ah magaalada lagu arkayaa Ciidamo aad u feejigan oo labada dhinacba ka kooban.
Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.
Si kastaba ha haatee, Shalay ayaa magaalada waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

