Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa xaalad kacsanaan saaka ka jirtaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo shalay dagaal adag iyo madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada Galmudug iyo Puntland.
Waxaa magaalada Gaalkacyo ka muuqdo burbur xoogan oo ka dhashay duqeyntii iyo madaafiicdii labada dhinac magaalada isku weydaarsadeen.
Shacab badan oo maalmihii ugu dambeeyay si teelteel ah ugu soo laabanayay magaalada labadeeda dhinac ayaa xalay ilaa saaka bilaabay iney magaalada isaga baxaan.
Labada ciidan ee Puntland iyo Galmudug ayaa welli isku horfadhiya galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, oo shalayna dagaal uu ka dhacay.
Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday isbitaalada ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.
Intla la xaqiijiyay Dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhimatay inka badan 30 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 80 Qof, sida ay Risaala u sheegeen saraakiisha caafimaadka.

