Muqdisho (Caasimada Online) – Caddow Cali Gees oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida kuwooda muuqda iyo wakiilka shirkadda Soda King Soomaaliya ee soo saarta cabitaanada kala duwan ee aashidada leh iyo biyaha caadiga Axmednuur Yusuf Guuleed ayaa ku xafiiltamaya kursiga aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Xog: Caddow Cali Gees oo wacad ku maray inuu ka taqluuso wakiilka Soda King Axmednuur Yuusuf
Bookmark
Bookmarked
Share
Labadaan ganacsade ayaa midba midka kale u xusul duubaya sidii uu ugu guuleysan lahaa kursiga beesha Eybakar Gaab Macallin Waceysle oo hal hal kursi kaga soo aadaya maamulka Galmudug.
Wakiilka shirkadda cabitaanada Soda King ee laga leeyahay dalka South Africa ayaa ergada beeshiisa ka dhaadhicinaayo in kursigaasi uu mudan yahay in loo doorto, halka ganacsadaha weyn Caddow Cali Gees uu ku riixayo inuusan beesha ku madali karin maadaama baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu ku jiro wax muuqda ugu qaban beesha isla markaana kulamadii baarlamaanka uu weligiis hal mar soo xaadiray.
Dhanka kale, Ganacsade Caddow Cali Gees ayaa wacad ku maray in Axmed Nuur Yuusuf Guuleed uu ka taqluusi doono, sidii uu isagana ugu fadhiisan lahaa kuriga beesha uu ku bixin doono Hal Milyan oo dollar oo uu u qorsheeyay ergada soo dooraneyso xubinta beesha Eybakar Gaab Macallin ee Waceysle.
Sidoo kale, wuxuu ganacsade Caddow Cali Gees uu ergada u balan qaaday haddii la doorto midkiiba inuu siin doono gaari Toyota Hilux 2016 oo qiimaheeda lagu iibiyo 28 kun dollar ilaa 30 kun.
Kursiga beesha Eybakar Gaab Macallin ee Waceysle ayaa noqday kan ugu qaalisan kuraasta baarlamaanka ee aqalka hoose, waxaana kursigaan ka tanaasulay oo tartanka ka haray Taliyihii hore ee NISA C/raxmaan Tuuryare oo awoodi waayay inuu ka qeybgalo tartankaasi.
Qore: Zakariye Cali
Email: [email protected]
- Advertisement -
Read more

