Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ay ka hor yimaadeen madaxweynaha maamulkaasi musharixiinta uu u magacaabay Aqalka sare.
Xildhibaanada qaar ayaa durba diyaariyey mooshin xilka looga qaadayo Cosoble.
Isbedel uu liiska musharaxiiinta ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa keenay inay gadood sameeyeen beelaha qaarkood, taasoo keentay inuu baaqo fadhigii Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu waday in shalay lagu dhageyso khudbadaha musharixiinta Aqalka sare.
Muranka ugu weyn ayaa ka jira beesha Gaaljecel oo musharixiinta uu magacaabay Mmadaxweyne Cali C/llaahi Cosoble si weyn looga hor yimid, waxaana la mida beesha shanaad oo jufooyin ka mida ay ka careysan yihiin xubno laga reebay liiska.
Waanwaan lagu doonayo in xal looga gaaro is mari waaga ka taagan musharixiinta Aqalka sare ee Hirshabeelle ayaa ka socotay magaalada Jowhar, iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle uu sheegay in xal laga gaaray arrinta musharixiinta aqalka sare.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

