25.5 C
Mogadishu
Monday, February 16, 2026

Xog: Xasan iyo odayaasha Habar-Gidir oo ku kulmay Villa Somalia + Qorshaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay kulan saacado qaatay oo u dhexeeyay Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah Odayaasha Beesha Habar-Gidir ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Kulankaani saacadaha badan qaatay ayaa waxaa looga hadlaayay dagaalka uu dhiigabadan ku daatay ee ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Odayaasha Beesha ayaa Madaxweyne Xassan ka dalbaday inuu ka hadlo dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, waxa ayna su’aal ka weydiiyeen sababta ay dowladiisa indhaha uga fiirsaneyso dhiiga daadanaaya.

Odayaash waxa ay Xassan ka codsadeen inuu gaaro magaalada Gaalkacyo isla markaana uu kulamo la qaato labada dhinac si xal looga gaaro dagaalka.

Odayaashu waxa ay Xassan Sheekh usoo bandhigeen cadadka dhimasho iyo kan dhaawac ee ka dhashay dagaalka tan iyo markii diyaaradaha Mareykanku duqeeyen Xero ciidan oo ay laheyd Galmudug.

Madaxweyne oo isagu ku mashquulay ololihiisa gaarka ah ayaa waxa uu Odayaasha u ballanqaaday inuu ka shanqarin doono dhibta ka dhalaneysa dagaalka isla markaana uu ku dadaali doono xalinta colaadaasi.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale, ballanqaaday inuu wada kulmin doono labada Hogaamiye si ay u xaliyaan Colaadaasi.

Geesta kale, Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa wada dadaalo lagu xalinayo colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News