Xog cusub: Xisbiyada mucaaradka oo khataro cusub u maleegaya DF (Maxay yihiin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka socdo kulamo hoose oo u dhexeeya dhinacyada Mucaaradka dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhinacyadan ay siyaabo kala duwan magaalada ugu kulminayaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo la doonaayo in loo adeegsado dowlada la magac baxday Nabad iyo Nolol.

Mucaaradka ayaa Xildhibaanada ugu badan ku kala kulminaaya Hooyga ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho iyo Hoteelada kala ah Jazeera iyo Makka Al-Mukarama oo xiligaan Saldhig u ah mucaaradka.

Qorshahaani ayaa waxaa abaabulkiisa qeyb ka ah Xildhibaano garab ahaan taabacsan ‘’Damul-Jadiid’’  kuwaa oo ka dhex faa’iideysanaaya xiisada dowlada kala dhexeysa Mucaaradka.

Xildhibaanadan qaarkood ayaa mucaaradnimada ku baadi-goobaya kuraas ay ka helaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid ka caajistay dhaqan galinta talaabadii lagu mamnuucay shirarka aan lagu wargalin Wasaarada Amniga ee ku qabsooma Hoteelada iyo guryaha ay degan yihiin dhinacyada Mucaaradka.

Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayaa ka meermeereysa xalinta khilaaf hoosaadka kala dhexeeya dhinacyada Mucaaradka ee aadka uga soo horjeeda dowlada, waxa ayna talaabadani khataro cusub u maleegaya DFS.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com