Kheyre oo laalay hal damac oo in mudda ah ku jiray Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa weli ku guda jira howlihiisa shaqo ee uu ku joogo magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa halkaa u jooga xalinta Khilaafyada dowlada Federaalka kala dhexeeya dowlada Imaaraadka Carabta.

Illo wareedyo kamid ah xubnaha Ra’isul wasaare Kheyre ku wehlinaaya socdaalka ayaa inoo xaqiijiyay in waxyaabaha ugu weyn ee soo dadajiyay booqashada Kheyre ee Imaaraadka ay tahay in madaxda dalkaasi uu ku qanciyo inaan suuragal aheyn in xiligaan Saldhig Militery ay ka dhistaan magaalo Madaxda Somalia, sida uu qorshuhu ahaa.

Kheyre ayaa dhaxal sugaha iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi ku qanciyay in Somalia aysan awoodin in Saldhig Militery Imaaraadka laga siiyo magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

Kheyre ayaa sidoo kale, dhaxal sugaha iyo madaxda kale ee Imaaraadka ka dalbaday in dib looga laabto Heshiiskii ay maamulka Somaliland ku kala wareegsadeen Saldhiga Berbero.

Sidoo kale, Dowlada Imaaraadka ayaa horay dowlada Somalia ee hadda jirta uga dalbatay aqbalaada Heshiis dhigaaya in Saldhig Militery ay ka furtaan duleedka magaalada Muqdisho, waxa uuna cudurdaarka Kheyre Jawaab u yahay dalabka Imaaraadka ee ku aadanaa  furashada Saldhiga.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa maamul ahaan ka ad adag dowladihii hore ee dalka soo maray, iyadoo taa loo sababeeyay hogaanka dalka oo gacanta u galay dhalinyaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com