Xog: Yey u shaqeeyaan axsaabta ka dhisan Somalia oo lacag siiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya xogo muujinaaya in Axsaabta ka dhisan dalka Somalia, min caasimad ilaa gobol ay la shaqeeyaan dalalka lidka ku ah Horumarka iyo xasiloonida Somalia.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Axsaabta qaar laga taageero dalalka carabta sida Imaaraadka, Saudia, Sudan iyo Masar.

Axsaabta qaar ayaa waxaa iyaguna la ogaaday in taageero mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka helaan wadamada Israel, Britain, US, Ethiopia iyo Kenya oo ah dalalka sida ba’an faragalinta siyaasadeed ugu haya Somalia.

Waxaa sidoo kale jira Axsaab aan ku lug laheyn arrimahaasi kuwaasi oo daneynaaya keliya inay ka dhexmuuqdaan siyaasada Somalia, iyaga oo adeegsanaaya codkooda.

Inta badan Axsaabta qaar ayaa u taagan carqaladeynta siyaasada Somalia, si aan u hirgalin talaabooyinka suuragalinkara in Somalia ay ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay.

Axsaabta ayaa waxaa ku jira kuwo diblumaasiyiin reer galbeed iyo carab ah kula kulma magaalada Muqdisho, kuwaasi oo safka hore kaga jira kuwa ka shaqeeya burburka Somalia.

Sidoo kale, Axsaabta siyaasada qaar ayaa si ganbasho la’aan ah waxaa kirada iyo dhaqaalaha lagu dhaqdhaqaaqa uga baxsha dowlada ethiopia, halka Kenya Axsaabta qaar ku qaabisho dalkeeda kana xog wareysata siyaasada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan Axsaabta ka jirta Somalia ayaa u dhisan gudbinta xogaha ku xeen-daaban madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com