Xog: Dadaal la doonayo in lagu maxkamadeeyo Gabre oo socda (Yaa wada?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta hoose ku heshay Shabakadda Caasimadda Online dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado dadaal ay ku dooneyso in baaritaan loogu sameeyo Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u yaaqaanaan Jeneral Gabre.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsi u dirtay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyadoo ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo Jeneral Gabre isla markaasna lasoo taago maxkamad.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jeneral Gabre ku eedeysay inuu dambiyo badan ka galay dalka Soomaaliya isla markaasna ay muhiim tahay in lagu sameeyo baaritaan dheer si loogu ciqaabo dhibaatada uu u geystay shacabka Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa laga sugayaa inuu jawaab kasoo bixiyo codsiga ay dowladda Soomaaliya u dirtay lamana saadaalin karo go’aanka uu ka qaadan karo arrintaan.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa qiyaasayo inay u badan tahay inuu Abiy Ahmed diido codsiga dowladda Soomaaliya maadaama Gabre uu kasoo jeedo Qoomiyadda Tegreyga.

Dowladda ayaa ku guuleysatay in xilka laga qaado Garbe, kadib markii ay sidaas ka dhaadhicisay uuna ka ogolaaday ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, oo danaynaya inay Soomaaliya aad isugu soo dhowaadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemarim Desalegn in Gabre uu xilka IGAD ka qaado, hase yeeshee qorshahaas ayaa waqti fog qaatay.

Si kastaba Gabre ayaan iman magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey maalinkii la doortay madaxweyne Farmaajo, markaasi oo doorashada uu goobjoog u ahaa.

Ceyrinta Gabre, oo ah nin ay aad u neceb yihiin Soomaalida, ayaa noqon doonta mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee lagu xasuusan doono dowladda hadda jirta, oo ka dagaalameysa in dalal shisheeye ay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha dalka.

Caasimada Online

Xafiisk Muqdisho

Caasimada@live.com