Xog: Dalabyo xasaasi ah oo ka yimid Deni iyo Axmed Madoobe oo caawa baajiyey furitaanka shirka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Caawa 10:00 pm ee habeenimo waxaa lagu balansanaa in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu ka furmo Dhuusamareeb, balse maxaa dhacay?

Dhammaan madaxda federaalka iyo inta badan kuwa dowlad goboleedyada ayaa isugu tegay madaxtooyada Galmudug si loo furo shirka, balse cudur-daar ka yimid Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayuu caawa u baaqday furitaankii shirka.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa fiidkii hore ee caawa loo diray Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, si furitaanka shirka ay uga qeyb galaan, waxuuna ku hor maray Axmed Madoobe oo ka caga jiiday inuu aqbalo dalabka Qoor Qoor.

Sidoo kale madaxweyne Saciid Deni ayaa gabi ahaanba iska diiday inuu qaabilo madaxweyne Axmed Qoor Qoor oo loo diray, waxuuna u sheegay inuu daalanyahay.

Labadan madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa ka caga jiidaya in la furo shirkaas iyadoo aan is faham laga gaarin arrinta metelaada gobolka Banaadir iyo tan gobolka Gedo oo Axmed Madoobe uu dalbanayo in deg deg loo xaliyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan saxiixay sharci ka yimid baarlamanka oo 13 kursi oo Aqalka Sare ah siinaya gobolka Banaadir, waxaana aad loo rumeysnaa in tani ay kasoo horjeesan doonaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana muuqata inay hadda taas dhacday.

Arrinta gobolka Banaadir ayaa khilaafka kusii dareysa midd gobolka Gedo, oo horey u aheyd mid ka mid caqabadaha hortaagan in heshiis laga gaaro doorashada.