Taiwan iyo Somaliland oo bilaabay fulinta ‘qeyb ka mid ah’ heshiiski buuqa dhaliyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Taiwan iyo Somaliland ayaa bilaabay hirgelinta qeybo kamid ah heshiiskii iskaashi ee hore u saxiixdeen, kaasi oo qeyb ka ah barnaamiyada horumarineed, isla markaana ku qotoma kor u qaadida wax soo-saarka beeraha Somaliland.

Wasaaradda beeraha Somalialnd iyo madax ka tirsan safaaradda Taiwan ayaa maanta kulan wada-jir ah ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay barnaamij cusub oo ay sheegen in beeralayda Somaliland uu sarre u qaadayo wax soo saarkooda.

Rooble Cabdi Muuse, Agaasimaha wasaaradda beeraha ee Somaliland ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay mashruucyo uu maamulka sheegta madax-banaanida ee Twain ka hirgelinayo Somaliland.

“Waa mashruuc loo qaabeeyay hab iskaashi, wasaaradda ay in ku dareyso, Taiwan ay inta kale la imaaneyso, wuxuu mashruucani kaga duwan yahay mashaariicdii kale waa mashruuc loo hirgelinayo hab tijaabo ah,” ayuu yiri Agaasime Rooble.

Waxa uu intaas kusii daray “Taiwan waxay dalka ka sameyn doontaa beer, beertaas oo u adeegi doonto hab soo bandhigeed, markaa beertaas iyadoo adeegsaneysa habab casri ah oo dhul yar laga soo saari karo wax badan.”

Mashruucan ayaa waxa beeralayda Somaliland ka caawin doona sidii ay usoo saari lahaayeen wax soo saar badan, iyaga oo dhul kooban wax ku beeraya, kaasi oo kor u qaaday dakhliga iyo wax soo saarka beeraha.