Xog: Deni iyo A/Madoobe oo go’aan laga gaarayo iyo wararkii u dambeeyey shirka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya shirka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in madaxda ku sugan Dhuusamareeb markii laga reebo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay go’aansadeen in shirka la furo 10:00 am – barqanimo ee maanta.

Sida aan xogta ku helay madaxweyne Farmaajo iyo xulufadiisa waxay isku raaceen in labadaas madaxweyne lagu qanciyo inay ka soo qeyb galaan furitaanka shirka hadii ay diidaana laga socdo.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa doonaya inta aan la furin shirka in xal laga gaaro shuruudo ay wataan. Shuruudahaas waxaa laga xusay inay doonayaan in shirka kahor la iska fahmo metelaada gobolka Banaadir, arrinta gobolka Gedo oo Axmed Madoobe doonayo in deg deg loo xaliyo iyo in deegaan doorashooyinka lagu soo koobo hal magaalo.

Axmed Qoor Qoor oo xalay loo diray labadan madaxweyne ayaa shuruudahaas kala kulmay Axmed Madoobe, halka Saciid Deni uu iska diiday inuu qaabilo, sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Dhinaca kale, waxaa xalay dhacay  kulan ay yeesheen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Inta badan kulamadaan waxay madaxdu isaga xog wareysteen khilaafka ka taagan doorashada dalka, inkastoo aan faahfaahino dheeraad ah laga helin, waxyaaba ilaa hada lagu go’aamiyey kulamadii xalay.

Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa xalay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ugu tegay guryaha ay ka degan yihiin magaalada Dhuusamareeb.

Ugu horeyn Qoor Qoor ayaa hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb ku booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, waxayna halkaas ku yeesheen shir mudo kooban socday oo saxaafadu ay dibad joog ka aheyd.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa isla xalay hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb ugu tegay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, isagoo la qaatay shir aan saxaafadda loo soo bandhigin waxyaabihii looga hadlay.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo ayaa iyaguna shirar gaar gaar ah saacadihii la soo dhaafay magaalada Dhuuamareeb kula qaatay inta badan madaxda ka qeyb geleysa shirka Dhuusamareeb.