XOG: DF oo shirkadaha diyaaradaha ku amartay in aysan qaadin Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xalay Xukuumada Soomaaliya ay shirkadaha duulimaadyada amar ku siisay in aysan qaadi karin guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF Cabdi Xaashi Cabdullaahi. 

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay warqad u diray Madaxweyne Qoor-Qoor isagoo u sheegay in uu ku soo wajahan yahay Dhuusamareeb si uu uga qeybgalo shirka, oo aan lagu casuumin, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu maanta baxo.

Si kastaba Cabdi Xaashi ayaa maanta shirkaas ka baaqday kamana bixin Muqdisho.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay heleen amar kasoo baxay xukuumadda oo ay soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, iyadoo kadibna lala wadaagay shirkadaha duulimaadyada dalka. 

Xubno ka mid ah Golaha Aqalka Sare ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha uu sidoo kale jawaab ka waayay Madaxweyne Qoor Qoor iyo islamarkaana uu dareemay in uusan madaxweyne Farmaajo ku qanacsaneen ka qeyb-galkiisa shirka Dhuusamareeb. 

Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa Caasimada Online u sheegay in amarkaan xalay uu soo gaaray islamarkaana ay fuliyeen. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka bixin xafiiskiisa maanta lamana oga inuu xog helay iyo inuu iska joogay. 

Cabdi Xaashi ayaa ku adkeysanayey inuu shirkaas ka qeyb galo si uu wada-hadallada ugu matalo gobollada waqooyi, inkasta oo aan lagu casuumin.