Xog: Daljir oo u dhow inay gacanta ku dhigto xilka gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka socda qorshe la doonayo in guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho lagu siiyo beesha Habar-Gidir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshahan ayaa wxaaa iska kaashanaya Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan kooxda Daljir iyo Ugaaska beesha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, oo la sheegay in lacag badan ay siiyeen kooxda Daljir, oo halgan xooggan ugu jirta jagadan, kadib markii ay weysay xilka ra’iisul wasaaraha.

Kooxdan ayaa la sheegay in Ugaas Maxamuud ay ka dhaadhicisay in beesha Mudullood ay kala shaqeynayaan sidii ay u heli lahayd xilka madaxweynaha Hir-Shabelle, oo hadda uu socdo mooshin looga qaadayo Cali Cabdullaahi Cosoble. Waxaa sidoo kale shaqsiyan loo ballan qaaday Ugaaska lacag badan.

Cabdulle Xaaji Cusmaan, oo ka mid ah odayaasha Mudullood oo sheegay inuu arrintan ka war-helay ayaa Caasimada Online u sheegay in xilka uu si gaar ah u doonayo Axmed Macallin Fiqi, oo waayey xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale macquul ah in la kala qaado xilka gobolka iyo duqa Muqdisho, mid ka mid ahna la siiyo Fiqi, sida aan xogta k helnay.

Cabdulle waxa uu ka digay cawaaqib xumada ka dhallan karta arirntan, haddii madaxweyne Farmaajo uu dhageysto warka Axmed Fiqi iyo Ugaaska, oo uu sheegay inuu yahay nin la iibsaday.

Qorshaha Axmed Macallin Fiqi iyo Ugaaska ayaa sidoo kale ah in beesha Xawaadle laga tuuro xilka Hir-Shabelle ugu sarreeyaa, ayaga oo sida la sheegay aaminsan inuu meesha ka baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegeen inuu beeshan xilkan siiyey.

Qorshahan ayaa abuuri kara is-beddelo siyaasadeed oo xasarado dhallin kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com