Xog: Farmaajo oo ka feejigan in golaha wasiirada cusub lagu daro…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynah JFS ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka feejigan yahay in Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia lagu daro Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in Xukuumada cusub uu u diyaarinaayo Siyaasiyiin aan xubin ka aheyn labada Aqal ee BFS.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu dhaliilay Hanaanka ay ku shaqeyn jireen Dowladihii isaga ka horeeyay waxa uuna iminka isku diyaarinayaa in Xukuumada cusub uu ka ilaaliyo inay kamid noqdaan Xildhibaanada.

Qorshaha Farmaajo ayaa la sheegay inuu kamid yahay in la kala qaado shaqooyinka Xildhibaanada iyo Golaha Wasiirada, isagoo arrintaani sabab uga dhigay in Xildhibaanada ay dayacayaan shaqooyinkooda isla markaana ay caqabad ku noqonkaraan isbedelka Siyaasadeed ee uu dalka ku talaabaayo.

Farmaajo ayaa Xukuumada cusub u badin doona Siyaasiyiin uu aqoon u leeyahay waxqabadkooda kuwaa oo ka dhex imaan doono Beelaha Soomaaliyeed si aan looga weecan saami qeybsiga Xukuumada.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa horay u ballanqaaday inuu soo dhisi doono Dowlad ka madaxbanaan Musuqa, Nin jecleysiga iyo ku tagrifalka waxa uuna sidoo kale shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan cida uu u arko inay wax ka bedelikarto xaalada dalka ee uu magacaabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com