Xog: Maxaad ka ogtahay qorshaha Farmaajo ee golaha wasiirada soo socda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu wado qorsho lagu soo koobaayo Golaha Wasiirada ee la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqo.

Wararku waxa ay sheegayaan in qorshaha Madaxweynaha uu yahay in Wasiirada ka mid noqon doona Golaha la koobo isla markaana leysku daro Wasaarado dhowr ah, si dhaqaalaha ku baxaaya Golaha uu u noqdo mid kooban.

Wasaaradaha kamid noqon doona Xukuumada cusub ee aan leysku dari doonin ayaa la sheegay inay kamid yihiin Sida Wasaarada Arrimaha Gudaha, Amniga, Dibadda, Cadaaladda iyo Dastuurka, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweynaha uu wado qorsho leysugu daraayo Wasaaradaha kale kuwaa oo ay ku jiraan Wasaarado aan xiligaani la gaari howlihii ay qaban lahaayen.

Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay inuu badin doono Wasiiro Dowlayaasha iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha oo lagu qancin doono Beelaha u taagan saami qeybsiga.

Lama oga inuu dhaqan gali doono qorshahaani uu fulinteeda ku taamaayo Madaxweynaha, walow ay jiraan Beelo dhowr ah oo iyagu calaameystay Wasaarado gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com