Xog: Deni oo isugu yeeray xildhibaanada Puntland laga soo doorto + Qorshe cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, ahna musharax madaxweynaha Soomaaliya, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isgu yeeray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka federaalka kasoo galay Puntland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. 

Deni oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inuu xildhibaanada kala hadli doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo habka ay u wajahayaan.

Rabitaanka koowaad ee Deni ayaa ah in xildhibaanada ay codkiisa siiyaan isaga, balse xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu sidoo kale kala hadli doono musharaxa ay u codeyn doonaan haddii uu ku haro wareegga koowaad ama kan labaad ee doorashada. 

Deni ayaa soo saartay illaa 40 xildhibaan, wuxuuna sidoo kale isku haleynayaa xildhibaanada kasoo galaya Jubaland ee uu soo saaray saaxiibkiis Axmed Madoobe, taasi oo siineysa taageerada ku dhowaad 60 xildhibaaan. 

Hase yeeshee, tiradaas kadib ayaanay caddeyn sida Deni uu xildhibaano kale ku heli doono, ayada oo sanadkan la rumeysan yahay in ugu yaraan 5 musharax ay heli karaan ku dhowaad 50 cod iyo ka badan wareegga koowaad ee doorashada. 

Ma cadda musharaxa uu Deni taageeri doono haddii uu haro, balse waxaa la hubaa inuusan aheyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama uu horey u sheegay in sababta uu isku sharxay ay tahay in kursiga uu dhaafiyo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Horey waxaa u jiray in Deni la rumeysnaa inuu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh, oo aad isugu dhowaayeen, balse hadda xiriirkooda aanu sidii hore aheyn kadib markii uu qaatay go’aanka uu isku sharxay. 

Kulanka Deni isugu yeeray xildhibaanada ayaa imanaya ayada oo ay jirto inuusan weli hayn dhaqaale ku filan oo doorashada uu ku galo kadib markii ay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu isku haleynayey u sheegtay inaysan taageeri karin, sida aan xog ku helnay.