DFS oo masaafurineysa Sambaloolshe

Kismaayo (Caasimada Online)– Xog naga soo gaareysa dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegeysa in Madaxda dalka ay wadaan qorsho dalka looga safrinaayo Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxda dalka gaar ahaan Xassan sheekh, Ra’isulwasaaraha iyo weliba taliska AMISOM ee magaalada Muqdisho oo dhinac ah, ay gaashaanka ku dhufteen inaysan damaanad qaadi karin Ammaanka C/llahi Sambaloolshe oo muddo kooban cadow badan ku abuurtay.

Xasan Sheekh, Ra’isul wasaare C/weli iyo Taliska AMISOM ayaa la sheegayaa inay isla garteen inay safriyaan Sambaloolshe, kadib markii ay uga cabsadeen inuu ku baxo gacanta shaqsiyaadkii uu jahwareerka ku riday inta uu hayay xilka.

Sambaloolshe ayaa waxa uu ka danbeeyay Xariga mas’uuliyiin ka tirsanaa DF iyo kuwo uu ku sameeyay xadgudubyo, taasi oo ay ka dhalatay walaac dhanka Ammaankiisa ah.

Lama sheegin goorta dalka laga safrin doono, balse warar hoose ayaa sheegaya in arrintaasi ay kusoo beegmi doonto imaanshaha Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com