Qeybdiid: C/Weli, IGAD & QM waxay ka shaqeynayaan dagaal dhiig ku daata

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in DFS iyo IGAD ay ka shaqeynayaan Dagaalo sokeeye.

Hadalkaani ayaa waxa uu ka sheegay Shir ay Maamulada Gobolada Dhexe ku qabteen Magaalada Cadaado, waxa uuna Tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh uu u dhaqmi waayay sida Mas’uul Qaran.

Waxa uu Tilmaamay in Ra’isulwasaaraha uu u dhaqmay sida Hogaamiye qabiil, xili laga sugaayay inuu dalka Cadaalad ugu shaqeeyo, wuxuuna cadeeyay in Heshiiska dhex maray Dowlada iyo Maamulka Puntland uu ahaa mid lagu raali galinaayay Maamulka Puntland isagoo taasi ula jeeda in uu Puntland la saftay, una sed-buriyay.

”Dastuurka dalka in la baal-maro marnaba ma ogolin, waxan halkaani ka cadeyneynaa in cid waliba oo saxiixday heshiiskii DF iyo Maamulka Puntland uu yahay qaswade kasoo horjeeda nabada iyo xasiloonida”

Waxa uu intaa raaciyay “Cid kasta oo saxiixday Heshiiskii Garoowe waan cambaareynaynaa, waxaana cadaynaynaa in UNSOM, IGAD & Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayaana Dagaal ka dhacay Gobolka Mudug,” ayuu yiri C/qeybdiid.

Sidoo kale, waxa uu gaashaanka ku dhuftay in Heshiiskii ka dhacay Magaalada Garoowe uusan saameyn ku yeelan doonin dhismaha Maamulka Cusub ee loo dhisayo Gobolada Galgaduud & Mudug, islamarkaana ay wax walba u bixin doonaan sidii aan loo kala qeybin lahayn Gobolka Mudug.

Qeybdiid waxa uu ka digay in Maamulka Puntland ay kusoo xadgudubto xuduudaheeda, waxa uuna Tilmaamay in dhib waliba oo dhex mara Galmudug iyo Puntland ay dusha saaran-doonaan DF, IGAD iyo QM.

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa, xili Maamulada Galmudug, Ximan & Xeeb iyo Ahlu Sunna ay si wadajir ah u shaaciyeen inay kasoo horjeedan Heshiiskii RW C/wali Sheekh Axmed & Maamulka Puntland ee ka dhacay Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com