Xog: DF oo ciidamo kale ku daadisay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan badan ku daadisay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha ku dhow dhow Villa Somalia.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guryaha ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya la dejiyay dhalinyaro u daacad ah Madaxweyne Farmaajo, oo dharcad ah kuwaas oo ujeedooyin dhowr ah laga leeyahay.

Ciidankan oo sidoo kale la geeyey qeybo kale oo magaalada ka mid ah ayaa lagu warramayaa in ay ka hortagi doonaan banaanbaxyada la filayo in todobaadkaan lagu qabto magaalada Muqdisho, oo ay suurta-gal tahay in mar kale ay rabshado hareeyaan.

Banaanbaxa ayaa qorshuhu yahay inuu 26-ka bishan Febraayo oo ah Jimcaha uu ka dhaco agagaarka taallada Daljirka Dahsoon, oo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda ayaa horey ciidamo militari u gaysay taallada, hase yeeshee kuwan dharka cad ayaa lagu warramaya inay sii xoojin doonaan kuwaas.

Waxaa sidoo kale la sheegay inu diyaarsan in ay dowladda difaacaan haddii uu dagaal dhaco, oo ay xaaladda faraha ka baxdo.

Dhallinyaradaan ayaa la siiyay hub waxaana loo kireeyay guryo ku hareereysan madaxtooyada, waxaana la siiyay amar ah in aysan hubkooda banaanka usoo bixin ilaa laga amro. 

“Haddii dagaal dhaco oo la soo weeraro ayey howgali doonaan waana ciidan dadka ku cusub qalabkoodana loo dhameestiray, guryaha ay daganyihiin lacagtooda waa laga bixinayaa waayo iyaga maba awoodaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada amniga Soomaaliya.