Xog: DF oo ogolaatay in wax laga beddelo guddiga doorashada dalka iyo liis laga sugayo mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka ay ugu dambeyn ogolaatay in wax laga beddelo guddiga lagu muransan yahay ee doorashada, taasi oo caqabad ku noqotay in dalka ay ka dhacdo doorasho.

Guddigan ayaa waxaa diiday qaar ka mid ah madax goboleedyada iyo mucaaradka dalka, ayaga oo sheegay inay ku jiraan shaqaale dowladeed iyo saraakiil ciidan, gaar ahaan kuwa ka mid ah sirdoonka.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in si caqabadda taagan looga gudbo ay dowladda ogolaatay in mucaaradka ay soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku jira guddiga ee ay doonayaan in la beddelo.

Dowladda ayaa mucaaradka u qabatay inay saddex cisho kusoo gudbiyaan liiskan, waxaana ay ku eg tahay caawa, sida aan xogta ku helnay.

Mucaaradka ayaan weli gudbin liiskaas, mana cadda inay kusoo gudbin doonaan iwaqtiga ka harsan. Waxaan sidoo kale xitaa la ogeyn haddii la beddelo xubnaha ay doonayaan cidda lagu beddeli doono, taasi oo ay shaki weyn ka qabaan.

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa Caasimada Online u sheegay inay tani u arkaan cayaar siyaasadeed cusub oo dowladda ay waddo.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa sare u kacay dadaallo ay wadaan qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Dowladda federaalka ayaa waxaa kasii dhammaanaya muddo xileedka. Baarlamanka ayaa muddo xileedkiisa ku ekaaa 27-kii December, waxaana madaxweynaha u haray kaliya hal bil, ayada oo waqtigiisa uu ku egyahay 7-da Febraayo 2021.