Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata inay dib u soo nooleyso awooddeedii dhinaca dagaalka cirka oo muddo dheer aan shaqeynin, iyadoo la filayo in dhowaan dalka la keeno lix diyaaradood oo ah kuwa dagaalka nooca JF-17 Thunder oo laga soo iibiyay dalka Pakistan.
Warar ay tebinayaan falanqeeyayaasha arrimaha difaaca iyo indha-indheeyayaasha gobolka ayaa tilmaamaya in diyaaradahan ay haatan diyaar u yihiin in loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.
Tallaabadan, haddii ay hirgasho, waxay noqon doontaa mid taariikhi ah oo muujineysa weji cusub oo ku aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, kuwaas oo meesha ka baxay wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii.
Faahfaahinta heshiiska
Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa muujinaya in diyaaradahan ay qayb ka yihiin wada-hadallo xiriir ah oo suurtagal ka dhigaya in Soomaaliya ay docda dambe iibsato illaa 24 diyaaradood oo ah nooca casriga ah ee JF-17 Thunder Block III, heshiiskaas oo qiimihiisa lagu qiyaasay ku dhawaad $900 milyan oo doolar.
Diyaaradda JF-17, oo ah mid fudud oo loo adeegsan karo howlgallo kala duwan, isla markaana ay si wadajir ah u soo saareen shirkadaha Pakistan Aeronautical Complex iyo AVIC Chengdu ee dalka Shiinaha, ayaa soo jiidatay indhaha dalal badan oo raadinaya diyaarado dagaal oo jaban balse awood sare leh.
Dalalka horey u gatay ama xiiseynaya diyaaradahan waxaa ka mid ah: Myanmar, Nigeria, iyo Azerbaijan oo haysta, iyo Ciraaq, Bangladesh, Indonesia, Liibiya, iyo Suudaan oo xiiseynaya.
Marka loo eego Soomaaliya, diyaaradahan ayaa ah beddel gacan-qabsi ah oo ka kharash yar qalabka qaaliga ah ee reer Galbeedka, sida diyaaradaha F-16 ee Mareykanka, kuwaas oo qiimahooda iyo kharashka dayactirkooduba uu aad u sarreeyo.
Nooca JF-17 Block III ee lala xiriirinayo Soomaaliya waa kan ugu horumarsan taxanahan, wuxuuna ku qalabaysan yahay: Qalab isgaarsiineed oo casri ah, raadaar awood badan oo loo yaqaano AESA, iyo awood kor loogu qaaday dhanka xanbaarsiga iyo isku-xirka hubka cul-culus.
Qalabkan ayaa Soomaaliya siinaya awood dhinacyo badan taabaneysa, taas oo u sahlaysa in la fuliyo difaaca hawada, weerarada dhulka, iyo howlgalada sirdoonka iyo indha-indheynta.
Maal-gelinta iyo iskaashiga
Warbixinnada soo baxaya ayaa xusaya in dhaqaalaha ku baxaya iibsiga diyaaradahan ay bixinayaan dalalka Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, arrintaas oo la jaanqaadeysa danahooda istiraatiijiyadeed ee ku aaddan xasilinta gobolka Geeska Afrika.
Dowladda Turkiga ayaa horey Soomaaliya u siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka iyo tababaro ciidan, sidoo Kalena dalka keentay diyaaradaha F-16, halka Sacuudiguna uu dhawaanahan heshiisyo iskaashi dhanka milateriga ah la saxiixday Muqdisho si looga hortago xasilooni-darrada iyo faragelinta shisheeye.
Taageeradan ayaa Soomaaliya u sahlaysa in ay casriyeyso ciidamadeeda iyadoo aan culeys dhaqaale la saarayn miisaaniyadda dowladda oo aad u xaddidan, xilli dalku uu wajahayo dagaalo ka dhan ah kooxaha hubeysan iyo muranno dhuleed.
Imaatinka diyaaradahan ee magaalada Muqdisho ayaa la aaminsan yahay inay dib u soo celin doonto awoodda iyo madaxbannaanida hawada ee magaalooyinka istiraatiijiga ah sida: Berbera iyo Hargeysa (Waqooyi), Kismaayo (Koonfur), iyo Raas Caseyr iyo Raas Kambooni (Cidhifyada dalka).
Deegaannadan ayaa xuddun u ah ilaalinta xeebta Soomaaliya oo dhererkeedu yahay 3,300 km iyo bedka dhulka oo gaaraya 637,000 km², halkaas oo gacan-ku-heynta hawadu ay inta badan ahaan jirtay mid aan cago adag ku taagnayn.
Cunaqabateyntii hubka ee la qaaday
Horaantii sanadkan, wafdi ka socda Ciidamada Cirka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Cirka, Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali, ayaa booqday caasimadda Islamabad ee dalka Pakistan si ay u dardar-geliyaan wada-hadalladan.
Kulamadan heerka sare ah ayaa muujinaya in dhinacyadu ay ka gudbeen wada-hadalladii hordhaca ahaa, una tallaabeen iskaashi difaac oo rasmi ah.
Soo iibsiga qalabkan culus ayaa imanaya waxyar un kadib markii QM ay si buuxda uga qaadday Soomaaliya cunaqabateyntii hubka ee saarneyd in ka badan 30 sano. Khabiirada ayaa aaminsan in tallaabadan ay wax weyn ka beddeli karto isu-dheellitirka awoodda gobolka Geeska Afrika, islamarkaana ay yareyn karto baahidii loo qabay in diyaarado shisheeye loo adeegsado howlgalada ammaanka gudaha.
Haddii lixda diyaaradood ee wejiga koowaad ay yimaadaan sida la qorsheeyay, waxay Soomaaliya siin doonaan awood difaac oo degdeg ah, iyagoo jidka u xaaraya in waddanku yeesho ciidan cir oo casri ah oo kaalin weyn ka qaata nabadgelyada guud ee gobolka.

