29.4 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Ciidamada DF Soomaaliya iyo shacab oo ku dagaalamay Muqdisho + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shaqaaqo maanta ka dhacday qaybo kamid ah degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda Soomaaliya oo burburin waday iyo qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ciidamada ayaa lasoo wariyay inay tageen xaafadda Gumbacoole oo xiriirisa labada degmo, waxaana dagaal kala hortegay shacabka oo diidanaaa in laga barakaciyo dhulkaas oo ay dagan yihiin qoysas badan oo danyar ah.

Shacabka ayaa adeegsanayay dhagaxyo, halka ciidankuna ay u adeegsadeen rasaas, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiya ayaa sheegay in xaafadda ay soo weerareen ciidamo Boolis ah, isla markaana lagu dilay ugu yaraan 1 qof, laguna dhaawacay 7 kale oo 2 kamid ah xaaladoodu liidato.

“Taliyaha saldhigga Kaaraan, kan Heliwaa iyo taliyaha qaybta ayaa kusoo duulay xaafadda Gumbacoole waa xaafad wayn oo ballaaran oo kasoo bilaabata laamiga Soos intana usoo gaartay jidka Jamhuuriyo ee Cali Geeddi, dhinaca kalena u tegay illaa Gubadley” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Illaa 10 kun oo qoys inay barakiciyaan ayay rabeen meesha dagaal ayay kusoo qaadeen 7 qof ayaa dhaawac ah hal qofna waa dhintay intaas ayaa dhacday shacabkana weli wuxuu dhooban yahay xaafadda”.

Sidoo kale wuxuu ninkan kamid ah shacabka deegaanka ku dooday in ay haystaan dukumintiyo, isla markaana la rabo in la boobo dhulkooda, taasina ay kasoo horjeedaan.

“Dadkan ma dagana dhul dowlo waxay dagan yihiin dhul dukuminti leh wax digniin ah oo horay loo siiyay ma jirin,” ayuu mar kale yiri goobjooguhu.

Xaaladda ayaa hadda deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan iska hor imaadka ka dhacay halkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News